Gaalkacyo-RisaalaFM- Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug waxaa ka dhacay Dibadbax balaaran oo ay dhigeen bulshada qeybaheeda kala duwan kuwaasi oo ka soo horjeeda kala soocida Kunka Shilling ee Soomaaliga.
Ganacsatada iyo sarifleyda ayaa waxa ay diideen in ay qaataan lacagtii hore ee Kunka Soomaaliga, Ganacsatada qaarkood ayaa qaadanayay lacag ay dhowaan soo saartay Puntland.
Dadweyne aad u fara badan oo ka kala yimid xaafadaha magaalada Gaalkacyo ayaa waxa ay isugu soo baxeen wadooyinka laamiga ah ee ku yaalla Gaalkacyo waxayna ku dhawaaqayeen ereyo ka dhan ah Ganacsatada.
Warbixinta warkan waxaa magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug inooga soo diray Wariyaha Risaala ee magaaladaasi Maxamed Cali Siyaad.


