DHAGEYSO: Faah faahin Ciidanka DF iyo Shabaab oo dagaalamay

Baydhabo-RisaalaFM- Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Booliska Gaarka ah ee Koonfur Galbeed oo isku dhinac ah waxa ay ururka Al-shabaab kula dagaalameen inta u dhaxeysa magaalada Baydhabo iyo degaanka Goof-gaduud Buurey oo ka tirsan gobolka Baay.

Weerarkan oo Shabaab ay soo qaadeen ayaa la sheegay in ay ku damasanaayeen khaarijinta Guddoomiyaha degaanka Goof-gaduud Buurey Siidow Cali Sheebey, sida ay sheegeen saraakiisha Ciidamada Koonfur Galbeed.

Weerarkan oo socday mudo 30 Daqiiqo ah ayaa waxaa la isku adeegsaday Hubka nuucyadiisa kala duwan, waxaana jira khasaare kala duwan oo soo kala gaaray dhinacyadii dagaalamay.

Warbixinta warkan waxaa magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay inooga soo diray Wariyaha Risaala ee degaanada Koonfur Galbeed Siid Cali Muuse Maxamed (Ateera).