DHAGEYSO:- Baarlamaanka Soomaaliya oo la hor geeyay qodobo ka mid ah dastuurka KMG dalka

Ku simaha Madaxweynaha dalka ahna Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Cumar C/rashiid Cali Sharmaake ayaa Maanta ka qeyb galay kulan lagu daah furaayay laguna soo bandhigaayay qodobo ka mid ah Dastuurka sida KMG loo ansixiyay oo wax ka badel lagu sameeyay.

Sidoo kale kulanka waxaa ka qeyb galay Gudoomiyeyaasha Baarlamaanada Maamul goboleedyada dalka marka laga reebo Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland oo la sheegay inuu cudur daar usoo gudbiyay gudoonka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Madax ka socota Beesha Caalamka iyo dowladaha daneeya arrimaha Soomaaliya ayaa kulanka goob joog ka ahaa kulanka iyo Sidoo kale Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale.

Furitaanka Kulanka waxaa ka hadashay Xildhibaanad Maryan Cariif Qaasim oo ah Gudoomiyaha guddiga la socodka, dib u eegista iyo hirhelinta dastuurka ee Baarlamaanka, waxayna ka warbixiyay qodobada ay wax ka badaleen iyo waxa u haray.

Wasiirka Wasaarada Dastuurka ee Xukuumada Soomaaliya Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen ayaa sheegay in dib u eegista lagu sameynayo Dastuurka laga qeyb gelinayo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Ra’isal Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaake ayaa dhankiisa sheegay in Xukuumadda ay si gaar ah ula soconayso dib u ee gista iyo hirgelinta lagu sameynayo Dastuurka.

Ku simaha Madaxweynaha dalka ahna Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari waxa uu amaan iyo bogaadin u jeediyay guddiga la socodka, dib u eegista iyo hirgelinta dastuurka iyo guddiga Madaxa banaan ee Dastuurka.

Magaalada Muqdisho iyo Magaalooyinka kale ee Soomaaliya ayaa lagu wadaa in lagu qabto kulamo wadatashi ah oo looga hadlayo dib u eegista iyo hirgelinta Dastuurka si ugu dambeyn Baarlamaanka Soomaaliya ay u ansixiyaan loogana dhigo mid aan KMG ahayn.