DHAGEYSO: Maamulka Khaatuma ”Waxaan u taaganahay in dhulka aan ka xorayno cadowga soo galay”

Wasiirka  warfaainta maamulka Khaatumo state Axmed Xaaji Cali oo waraysi siiyay  Idaacadda Risaala ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu ka hadlay dagaalada u dhaxeeya maamulada Soomaaliland iyo Khaatumo State.

Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in soomaaliland ay kicineyso xiiisadaha dagaal ee ka socda degmada Buuhoodle ee gobolka Togdheer.

Iyadoo dhanka kalana uu baaq u diray in labada dhinac ee halkkaasi ku dagaalamaya ay joojiyaan rabshadaha iyagoo fiirinaya shacabka ku nool deeganada ay colaada ka socoto.

Halkaan ka dhageyso codka wasiirka Khaatuma State