DHAGEYSO: Baarlamaanka Jubbaland oo ansixiyey xeerka Nootaayada

Baarlamaanka Dowlad-goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland oo maanta yeeshay fadhigii 65-aad ee kalfadhiga afaraad ayaa waxaa soo xaadiray 43 Xildhibaan, waxaana lagu ansixinayay xeerka nootaayada Dowlad-goboleedka Jubbaland.

Kulankaan oo uu shir gudoominayay Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Baarlamaanka Jubbaland Mudane Cabdi Baaley Xuseen ayaa mudanayaashii ka qayb galay waxa ay si wayn uga doodeen xeerka Nootaayada Jubbaland iyo sida ugu muhiimsan ee ku noqon karo xeer dhamaystiran.

Doodda kaddib Xildhibaanadu cod gacan taag ah ayey ku ansixiyeen xeerkaan oo horay u helay kalsoonida golaha wasiirada Jubbaland.

Kulanka markuu soo idlaaday ayaa waxaa warbaahinta la hadlay Guddoomiyaha guddiga Habdhowrka Baarlamanka Jubbaland Bashiir Maxamed Baahale, wuxuuna sheegay in sharcigaan uu ka gudbay Baarlamaanka hadda kadibna lagu dhaqmi doono.