Iyadoo weli xiisado colaadeed ay ka jiraan qeybo ka mid ah Gobolka Mudug gaar ahaa Galbeedka Magaalada Gaalkacyo ayaa Hay’adda Culimada Soomaaliyeed waxa ay ku cel celinaysaan in la joojiyo Dagaalada Gaalkacyo.
Ciidamada Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa weli waxa ay isku hor fadhiyaan Galbeedka Magaalada Gaalkacyo, waxaana Culimada ay ku baaqayaan Ciidamadaasi in la kala qaado, kadibna ay wada hadal isugu yimaadaan Guddiyo matalaya labada dhinac.
Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa sheegay xilligan wixii ka dambeeya Gaalkacyo in aysan xamili karin Dagaal labada dhinac u dhaxeeya.
Xaalada Magaalada Gaalkacyo ayaa maanta waxa ay tahay mid degan inkastoo weli la filan karo Dagaal maadaama weli labada dhinac ay is horfadhiyaan.


