Madaxweynaha maamulka Jubbland ayaa waxa uu sheegay in maamulkiisa Jubbaland uu haatan awooda saarayo sidii loo dhisi lahaa maamulada degmooyinka deegaanada Jubooyinka iyo waliba gobolka Gedo ee maamulka Jubbalnd uu ka arimiyo.
Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa waxaa uu sheegay in shacabka Jubooyinka iyo gobolka Gedo ay iyagu soo dooran doonaan maamulada degmooyinka.
Maamulka Jubbaland ayaa haatan maamulo cusub u sameeyay qaar ka mid ah gobolada Jubooyinka iyo gobolka Gedo, waxaana wali jira degmooyin aan maamulo loo sameyn.


