DHAGEYSO: Askari ka tirsan ciidanka dowladda oo toogtay Wiil 20 sano jir ah

Wararka naga soo gaaraya degmada Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in Askari ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya uu dilay Wiil dhalinyaro ah oo ka mid ahaa dadka kunool Magaalada Jowhar.

Dilka ayaa yimid ka dib markii labo Gabdhood oo  mid ka mid ah ay dhalatay wiilka ay dirir dhexmartay.

Wiilka la diley ayaa lagu magacaabi jiray Cabdicasiis Muxumad oo 20 jir ah .

Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa goobta soo gaaray , waxaana la sheegay in ay qabteen askarigii dilka geystay.

Qof ka mid ah dadka kunool Magaalada Jowhar ayaa Risaala u sheegay in Askariga uusan wiilka u dilin si kas ah.