Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Morocco Saad Eddine el-Othmani ayaa ku guulaystay in uu dhiso isbahaysi maamul, isagoo soo gabagabeeyay Khilaaf Siyaasadeed oo taagnaa Muddo ka badan shan bilood.
El-Othmani, 61sano jir ah ayaa Xisbiga Islaamiga ah ee Caddaaladda iyo Horumarka, ee PJD laga soo doortay , ayaa kaga dhawaaqay shir jaraa’id oo ku qabtay magaalada Rabat in la gaaray Heshiis Rasmi ah oo ay wada ogyihiin Xisbiyadda dalka jira oo dhan.
“heshiis ayaa la gaaray oo lix xisbi siyaasadeed ayaa sameynaaya dowlad wadaag ah.” ayuu yiri El-Othmani.
isbahaysi cusub ayaa ka kooban lix xisbi oo ay ka mid yihiin xisbiga PJD, RNI , UC, MP oo muxaafid ah iyo xisbiyada hantiwadaagga USFP iyo PPS.
Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa soo dhisi doono xukuumad cusub oo ka kooban xisbiyadaasi oo dhan.


