Diinsoor-RisaalaFM- Maamulka Degmada Diinsoor ayaa waxa ay sheegeen in ay gacanta ku soo dhigeen Askari dad rayid ah ku dilay gudaha Degmadaas.
Askariga dilka geystay ayaa waxa uu ka mid ahaa Ciidanka Maamulka Koonfur Galbeed ee ku sugan Degmada Diinsoor, sida ay xaqiijiyeen Saraakiisha Ammaanka.
Gudoomiyaha Degmada Diinsoor Maxamed Ibraahim Shik-shikow ayaa waxa uu sheegay Askariga in uu dil u geystay mid ka mid ah Dhalinyaro Kubad cayaareysay, sidoo kalena uu dhaawacay Labo kale.
Sidoo kale Maxamed Ibraahim Shik-shikow Gudoomiyaha Degmada Diinsoor ayaa waxa uu sheegay in Askarigan Maxkmadda la horkeeni doono, si cadaalada loo marsiiyo.


