Gudoomiyaha Guddiga Qaban qaabada doorashada gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa faahfaahin ka bixiyay sida ay u socdaan howlaha doorashooyinka gudoomiyaha Baarlamaanka iyo sidoo kale ku xigeenadiisa.
Waxaa uu sheegay in Shaqada doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo sidoo kale ku xigeenadiisa ay yihiin dhowr qeybood oo kala ah.
Qeybta Kowaad ayuu sheegay in dadka doonayo in ay ku tartamaan gudoomiyaha Baarlamaanka iyo ku xigeenadiisa in ay soo gudbiyaan Codsiyadooda ,islamarkaana ay bixinayaan lacagaha laga rabo, waxaana uu sheegay in qeybtaasi ay qaadan doono 3 maalmood.
Mida labaad ayuu sheegay in ay tahay in horyimadaan Baarlamaanka Soomaaliya ayna soo gudbiyaan khudbado ay kaga hadlayaan waxqabadkooda.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in ay rajo weyn ka qabaan in doorashada Madaxda Baarlamaanka ay ku dhacdo waqtigii loogu tala galay.
Guddiga Qaban qaabada doorashada gudoomiyaha Baarlamaanka iyo sidoo kale kuxigeenadiisa ayaa horay u shaaciyay in doorashada gudoomiyaha baarlamaanka ay dhaceyso 11 bishaan.


