DHAGEYSO: Ardayda Iskuulka Imaamu Shaafici oo Deeq gaarsiiyay Barakacayaal “SAWIRRO”

Muqdisho-RisaalaFM- Ku dhowaad 100 Qoys oo ku nool Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir ayaa maanta waxaa la gaarsiiyay Deeq Raashiin ah, taasi oo loogu tala galay in ay Afur ka dhigtaan, dadka danta yar ee ku nool Degmadaasi.

Deeqdan oo isugu jirtay Bur, Buriis, Sonkor, Timir iyo Saliid, waxayna ka timid Naadiga Ardayda Iskuulka Imaamu Shaafici, sidoo kale Deeqdan waxaa gacan ka geystay Markaz Ibnu Baaz.

C/samad Xasan Cumar oo ka mid ah Naadiga Ardayda Iskuulka Imaamu Shaafici ayaa sheegay Deeqdan in ay ka kala timid Ardayda iskuulka Imaamu Shaafici ee ku kala nool dalka iyo dibaddiisa.

Sheekh Xasan Isxaaq oo ka mid ah Markaz Ibnu Baaz ayaa sheegay hadii mar walba sidan oo kale la sameeyo in Soomaalida ay ka maarmi karto gacan shisheeye in ay wax ka sugto.

Qaar mid ah dadkii maanta loo qeybiyay Deeqdan ayaa u mahadceliyay Ardayda Iskuulka Imaamu Shaafici iyo Markaz Ibnu Baaz, waxayna sheegeen in ay ku farxeen.

Naadiga Ardayda Iskuulka Imaamu Shaafici oo la aas aasay sanadkii 2004-tii ayaa sanad walba waxa ay sameeyaan gar gaaro ay kaga qeyb qaataan Afurinta dadka dhibaateysan ee aan waxb aheysan.

 

Deeq 5

Deeq 1 Deeq 2 Deeq 3 Deeq 4Deeq 6