Maamulka Ahlu sunna ee gobolada Dhexe ayaa ka jawaabay baaq uu maamulkaasi u jeediyay wasiirka arimaha gudaha xukuumada Soomaaliya, oo ku aadanaa iney miiska wadahadalka la fariistaan maamulka Galmudug.
Cabdullaahi Xirsi Diirshe Prof Daacad, oo kamid ah madaxweyne ku xigeenada maamulka Ahlu sunna ee gobolada Dhexe ayaa si cad u sheegay in maamulkooda marnaba aysan aqoonsaneyn maamulka Galmudug.
Sidoo kale wuxuu ka jawaabay baaqa kasoo baxay wasiirka arimaha gudaha xukuumada Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen Odowaa oo ahaa iney la kulmaan dhanka Galmudug lana dhameeyo isfahan waaga ka taagan labada dhinac.
Wasiirka ayuu sidoo kale sheegay ineysan ku qanacsaneyn maamulkooda, sida uu hadalka u dhigay, islamarkaana marnaba aysan la fariisan doonin maamulka Galmudug.


