Shil Tareen oo dad ku dhinteen oo ka dhacay Dalka Germany

Labo tareen oo kuwa rakaabka qaada ah ayaa lagu soo waramayaa iney shil ku galeen gobolka Bavaria, waxaana booliska ay sheegeen in ku dhawaad 5 ruux ku dhinteen shilka dad kalana ay ku dhaawacmeen.

Shilka Tareen ayaa ka dhacay meel ku dhow deegaanka Bad Aibling oo ku dhawaad 60 km u jirta koofur bari magaalada Munich ee dalka Germany.

Ciidamada booliska ayaa sheegay in kooxda badbaadinta ay isku dayayaan iney badbaadiyaan shaqsiyaad la aaminsan yahay iney ku hoos jiraan tareenada hoostooda.

Sarkaal ka tirsan ciidamada booliska gobolka ayaa barta Twitter-ka, soo dhigay in afar ruux ay ku dhinteen shilka halka ku dhawaad 100 ruux ku dhaawacmeen shilkaasi.

15 kamid ah dadka dadka dhaawacmay ayaa la sheegay in xaaladooda ay tahay mid aad u daran, marka loo eego 40 ruux oo dhaawacyadooda ay daran yihiin.