Xili maanta oo kale sanadkii ina dhaafay ee 2017 dowladda Federaalka Soomaaliya weerar ku qaaday hoyga uu Cabdiraxmaan Cabdishakuur ka deganyahay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta la xiray qaar kamid ah wadooyinka Muhiimka ah ee Muqdisho.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo warbaahinta kula hadlay hoyigiisa ayaa dowladda dhexe ee Soomaaliya ku eedeeyay in ay wadooyinka u xirtay maanta maadamada ay ku beegantahay markii sanad ka hor ay weerar ku qaaday gurigiisa, uuna isku diyaarinyay in uu u baroor diiqo Askartii ilaalada u aheyd ee weerarkaasi ku geeriyootay.
Waxa uu dowladda dhexe dusha kaga tuuray eedeyn ah in ay caburinayso siyaasiyiinta ka aragtida duwan, waxa uuna wadooyinka xiran ee Muqdisho ku micneeyay arrin lagu doonayo in lagaga hortago in uusan u baroor diiqin askartii ku dhimatay weerarkii lagu qaaday hoyigiisa.
Mr Cabdikashakuur ayaa ku nuux nuuxsaday in wadooyinka oo la xiraa aysan ka hor istaageyn in uu xuso waxa uu ku tilmaamay maalin murugo badan oo maskaxdiisa aanan ka go’eyn.
Marka laga soo tago hadalka Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ma jirto ilaa iyo haatan wax war ah oo dowladda dhexe ee Soomaaliya ay kaga hadleyso sababta ay u xirtay badi wadooyinka muhiimka ah ee Magaalada Muqdisho.



