Gudoomiye ku Xigeenka dhanka Arrimaha bulshada ee degmada Mahadaay ee gobolka Sh/Dhexe Saalax Xaaji oo la hadlay Idaacada Risaala ayaa sheegay in ay sii kordheyso tirada dadka uu soo ridanayo cudurka shuban biyoodka.
Gudoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in maalinba maalinta ka dambeysa ay sii kordhayaan dadka uu soo ridanayo cudurka shuban biyoodk.
Waxa uu sheegay in Maamulka degmada Mahadaay uu dadka u sameeyay gurmad balse loo baahan yahay in gargaar caafimaad oo xoogaan.
Dhanka kale Gudoomiye ku Xigeenka dhanka Arrimaha bulshada ee degmada Mahadaay ee gobolka Sh/Dhexe ayaa Risaala ugu warbixiyay xaalada guud ee degmada gaar ahaan Arrimaha Caafimaadka iyo Waxbarashada.
Hoos ka Dhageyso Codka:-


