Muqdisho-RisaalaFM- Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta waxa ay xukuno ku riday 4 ruux oo Labo ka mid ah ay yihiin Dumar, halka Labada kalena ay yihiin Rag.
4-ta ruux ee Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ay maanta xukunada ku riday ayaa xafiiska xeer ilaalinta Qaranka horey ugu soo eedeeyay in ay ka tirsan yihiin Shabaab.
Xukunka ayaa dhacay kadib markii maanta Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ay ufariisatay dacwad ciqaabeedkii loo heystay Afartan ruux oo ku eedeysnaa in ay ka tirsan yihiin Shabaab.
Xukunada ay riday Maxkamadda Darajada Koowaad ee ciidamada Qalabka Sidda ee Soomaaliya ayaa udhaxeeya 5 sano ilaa iyo 15 sano oo xabsi ciidan ah.
Gaashaanle Dhexe Xasan C/raxmaan Aadan oo ah kaaliyaha Maxkamada Darajada Koowaad ee ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay xukunada.
Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa dhowr jeer oo hore riday Xukuno Ceynkaan oo kale ah.


