Weerar ka dhacay gobolka Michigan ee Mareykanka

Waxaa lagu soo warramayaa in toogasho ay ka dhacday dhismo maxkamadeed oo ku yaalla Michigan ee dalka Mareykanka.

Laba qof oo maxkamadda ka shaqeyneysay ayaa dhimatay, sidoo kale qofka weerarka qaaday ayaa la dilay.

Qofka hubeysaa, sida maamulka uu sheegayo, waxa uu ahaa qof maxbuus ah oo lagu hayay xabsi ku yaalla dhismaha maxkamadda deegaanka Berrien ee gobolka Michigan.

Dagaal ayaa dhexmaray laba askeri, taas oo ninka maxbuus ka ahaa u suuragelisay inuu qori qaato oo uu ku dilay labada qof ee Maxkamadda ka shaqeyneysay.

Waxa uu sidoo kale dhaawacay mid kamid ah askarta iyo qof shacab ah.

Markii dambe ciidamo hubeysan oo maxkamadda gaaray ayaa ninkaasi toogtay.

Xoogagga amniga ee gudaha iyo laanta FBI-da ayaa waxa ay bilaabeen baaritaan arrinta lagu sameynayo.