Dhaawaca ninkii ka dambeeyay hoobiyeyaashii cawa oo lageeyay Isbitaal Madiina

Booliska Soomaaliya ayaa waxa ay qabteen ninkii ka dambeeyay hoobiyeyaashii cawa lagu tuuray degmada Xamar Jajab ee gobolka Banaadir, waxaana ninkaas isagoo dhaawac ah lageeyay Isbitaal Madiina.

Wariyaheena Maxamed Kaafi Sheekh Abuukar oo ku sugan cawa Isbitaalka Madiina ayaa inoo sheegay in ninkaas ay qabteen booliska Soomaaliya haatana lagu dabiibayo Isbitaalka Madiina.

Maqribnimadan ayay ahayd markii hoobiyeyaal la soo tuuray ay ku dhaceen agagaarka Buundo labaad, kuwaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac.