DFS oo sheegtay in xubno tirsan Al-Shabaab lagu dilay howlgal ka dhacay Jamaame

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in Ciidamada Gaarka ah ee Danab, oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kuna kaashanaya ciidamada amniga Dowlad-Goboleedka Jubbaland, ay dileen 14 xubnood oo ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab, kaddib howlgal qorsheysan oo ka dhacay deegaanno hoos yimaada magaalada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa lagu sheegay in howlgalkaasi uu ahaa mid si gaar ah loo qorsheeyay, laguna beegsaday maleeshiyaadka Khawaarijta ah ee ku sugnaa deegaannadaas.

Wasaaradda ayaa xaqiijisay in intii uu socday howlgalka lagu dilay 14 dhagar-qabe, halka mid kale la dhaawacay, iyadoo xubno kale oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Al-Shabaab ay ka carareen goobta dagaalka.

Sidoo kale, Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa adkeeyay in ay ka go’an tahay sii wadidda dagaalka ka dhanka ah argagixisada Khawaarijta ah, si loo ciribtiro khatarta ay ku hayaan shacabka, loona xaqiijiyo nabad iyo xasillooni waarta oo dalka oo dhan ah.