DFS oo sheegtay in howlgalladii ka dhacay Shabeellaha Dhexe lagu dilay 100 katirsan Al-Shabaab

Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa faah faahin guud ka bixisay khasaaraha ka dhashay dagaallada ka socda dalka ee u dhaxeeya Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo dadka degaannada ee hubka qaatay oo dhinac ah iyo Ururka Al-Shabaab.

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta Cabduraxmaan Yuusuf Alcadaallada ayaa sheegay in howlgallo dhacay 48 saacadood ee la soo dhaafay oo ay iska kaashadeen Ciidanka Sirdoonka Soomaaliya & saaxiibada Caalamiga ah lagu dilay Saraakiil & Xubno katirsan Al-Shabaab.

Waxaa uu sheegay in howlgallada ay sigaar ah uga dhaceen 22-kii Bishaan degaannada Masjid Cali gaduud iyo Burcolow, isla markaana howlgalka koowaad lagu beegsaday Garaash & Guri ay ku shirayeen Saraakiil katirsan Al-Shabaab laguna dilay 21 Xubnood oo uu kamid yahay Sarkaal lagu magacaabi jiray  Cabdullaahi Cali Caraale.

Sidoo kale wuxuu sheegay in howlgalka labaad uu shalay ka dhacay nawaaxiga degaanka Masjidka Cali Gaduud laguna dilay 11 Xubnood o katirsan Al-Shabaab lana dhaawacay 30, sidoo kalena la burburiyay Goobtii ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Alcadaallada waxaa uu hadalkiisa uu intaasi kudaray in xalay sidoo kale ay dhaceen weeraro lala beegsaday Xarumo ay Al-Shabaab kulahaayeen degaanka Burcolow oo 10km u jira Masjid Cali Gaduud, halkaas oo ay ku sugnaayeen Xubno qorsheynayay inay weerar kusoo qaadaan ciidamada dowladda iyo kuwa degaanka ee howlgallada wada.

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta wuxuu sheegay in howlgalkii xalay ka dhacay lala beegsaday Gaari nooca xamuulka qaada ah oo Al-Shabaab ay saanad ciidan ku wadeen iyo mid siday waxyaabaha qarxa, isla markaana dowladda Soomaaliya ay  aqoonsatay 9 kamid ah Saraakiisha Al-Shabaab ee howlgalkaas lagu dilay.

Ugu dambeyn Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta wuxuu sidoo kale sheegay in weerarkii Afaraad ee xalay dhacay lagu beegsaday Xubno kale oo katirsan Al-Shabaab oo is aruursanayay, isla markaana dowladda Soomaaliya ay aaminsan tahay in howlgalladii ka dhacay Gobolka Shabeelaha Dhexe lagu dilay in ka badan 100 Xubnood oo katirsan Al-Shabaab.