Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah waxaa ay u shaacisay xilliga ay bixineyso ruqsadii ugu horreeysay ee ku saabsan dhinaca Shidaal barista ah.
Wasiirka Batroolka iyo Kheyraadka xukuumadda Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Axmed oo ka qeyb-galay shir looga hadlayay shidaalka Afrika oo ka dhacay Koonfur Afrika ayaa sheegay in Bisha December ee sanadkan ay bixineyso ruqsaddii ugu horreysay ee shidaal baaris ah lana siinaayo shirkadaha ka Shaqeeya Arrimaha Shidaal baarista.
Sida ay daabacday Wakaaladda Wararka Reuters waxaa uu sheegay Wasiirka in ruqsadda 15 Xermo oo Shidaalka la siinayo Shirkadaha Shidaal baarista ah,isla markaana xog aruurin lagu sameeyey 15 Ceel lagu ogaaday in 30 Bilyan oo Barmiil oo Shidaal ahay ku jiraan.
Shirkadaha ExxonMobil iyo shell oo qaabilsan shidaal barista ayay arrintaan u fududeyneysaa inay dalka dib ugu soo laabtaan tan iyo burburkii,kadib,waxaana Wasiirka uu sheegay in Goobaha baarista shidaalka laga sameynaayo ay ka fogyihiin biyaha Soomaaliya oo ay Kenya muranka gelisay.
25kii Bishii Octoober ee sanadkaan ayaa dowladda Soomaaliya waxaa ay lacagtii ugu horreeysay ka heshay kirada xirmooyinka shidaalka dalka,taas oo dhan 1.7 Milyan oo dollar,waxaana lacagtaas bixiyey Shirkadaha Shell iyo ExxonMobil.



