Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa goordhow ku dhawaaqday in Berri oo Sabti ah ay tahay maalinka koowaad ee Bisha Barakeysan ee Ramadaan.
Wasiirka Diinta ee Xukuumadda Soomaaliya Mukhtaar Roobow ayaa sheegay in Bisha laga arkay magaalooyinka Afgooye, Garoowe, Hargeysa, Berbera iyo Burco.
Wasiir Roobow ayaa ugu baaqay shacabka in ay berri soomaan oo ay is kaalmeeyaan, islamarkaana laga fogaado waxkasto oo jebinaya Ramadaanka.
Dhanka kale Maamulka Somalliand ayaa kol sii horeysay shaaciyay in Berri oo Sabti ah ay tahay Ramadaan. Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Maamulkaasi Sh.Cabdilaahi Daahir Jaamac (Baashe) ayaa sheegay in Bishiil laga arkay meelo ay ka mid yihiin Hargeysa iyo Burco.
Muslimiinta oo dhan ayaa bilaabay in ay Salaada Taraawiixda ay ku tukadaan masaajidyada.



