Axmed Madoobe oo shirkad ku tilmaamay DF ee uu hoggaamiyo MW Xasan Sheekh.

Madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe oo ayaa  ku eedeeyay dowladda uu hoggaamiyo  Madaxweynaha Soomaaliya  Xasan Sheekh in ay tahay shirkad ku shaqaysa sida wakhtigii dagaallada Sokeeye socdeen (1991).

Axmed Madoobe ayaa Ra’iisul wasaare Xamse ku dhaliilay in uusan wax awood ah ku lahayn dowladda Xasan Sheekh, islamarkaana waxa uu ku tilmaamay nin shaqaale ah, oo aan waxba laga weydiin go’aannada iyo talada dowladda, taasina lumisay isu dheellitirkii awoodda dowladnimada dalka.

“Dowladdii Soomaaliya maanta, waxay noqotay shirkad ku shaqaysa caqliyaddii taallay 1991-dii, waxaana maqan waa awooddii Ra’iisul wasaaraha dalka, oo aysan waxba gacanta ugu jirin cidna aysan waxba weydiin, waana u cudur-daarayaa runtii waa shaqaale shirkadeed isagu” ayuu yiri Madaxweyne Axmed Madoobe.

Wuxuu sidoo kale ku eedeeyay dowladda Federaalka Soomaaliya in ay ka baxday xayndaabkii Sharciga iyo dastuurkii lagu doortay, kaddib markii sida uu sheegay ay burburisay wax kasta oo Soomaali heshiis ku ahayd, waxaana uu ka digay in taasi keeni karto colaad iyo kala tag.

Sidoo kale Axmed Madoobe ayaa ka hadlay waarankii soo qabashada aheyd, waxaa uuna sheegay in isaga la soo qabto ay ka dhowdahay inuu soo qabto madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh.