Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Maanta oo Sabti ah ay kulan ku yeesheen Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho.
Guddoonka Golaha Shacabka ayaa ku wargeliyay Xildhibaannada in Maanta oo Sabti ah in uu jiro kulanka, islamarkaana uu hayo mooshin ay soo gudbiyeen xildhibaanada, maadaamaa todobaadkii hor uu baaqday kala fadhiga kulanka.
Mooshin culus ee loo gudbiyay guddoonka sare ee Golaha Shacabka, islamarkaana maanta ay ka doodi doonaan xildhibaanada ayaa waxaa uu yahay xaaladda cusub ee kasoo korortyay xiisadda dhexeysa dowladda iyo Jubbaland.
Mooshinkan ayaa daba socda xildhibaannadii maalmo ka hor lagu xayiray garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, iyaga oo kusii jeeday dhanka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.
Qaar kamid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa waxaa la filayaa inay Maanta ka hadlaan dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee ka dhacay dalka.
Xildhibaannada warqada qoray ayaa waxay muujinayaan baahida loo qabo in wax laga qabto is hortaaga lagu sameynayo xildhibaanada iyo cunaqabateynta lagu hayo shacabka ku nool deegaaanada Jubbaland.
Sidoo kale Xildhibaanada ayaa walaac gaar ah ka muujiyey saameynta ay ku yeelan karto xasilloonida dalka.
Kulanka golaha Shacabka ayaa ku soo aadaya xili Dhawaan Dowladda Federaalka Soomaaliya ay Xildhibaan Cabdirashiid Jire Qalinle iyo Xildhibaan Cumar Qalad-diid ku xayirtay garoonka Aadan Cadde, kadib markii la ogaaday inay u safrayeen magaalada Kismaayo, waxaana laga hor istaagan safarkaasi.



