DFS oo ka hadashay Ajnebi laga shakiyay oo lagu qabtay Garoonka Aadan cadde

Iyadoo warbaahinta gudaha ay aad u baahisay war sheegayay in ciidamada ammaanka ee Soomaaliya ay gacanta ku dhigeen nin ajnebi ah oo lagaga shakiyay in uu watay boorso waxyaabaha qarxa ay ku jiraan kuna qabteyn garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa ka hadlay dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista Hawada ee Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomar) ayaa sheegay  in ay weli su’aalo weydiinayaan ninka ajnabi ah ee la qabtay.

Waxa kale oo uu sheegay wasiir Oomaar in ninkaani la xaqiijiyay in uusan wadan waxyaabaha qarxa oo markii horeba lagaga shakiyay xili uu dalka isaga baxayay, waxaase uu sheegay in uu watay Gasac ay ku jirtay Ciiqa dadka ka ilmeysiiya, taasi oo dhalisay in ninkaani laga shakiyo.

“Maalinimadii sabtiga aheyd, waxaa la qabtay nin ajnebi ah oo watay boorso laga shakiyay, weli waxaan wadnaa baaritaan wixii kasoo baxana waan idiinla wadaagi doonaa” ayuu sheegay wasiir Oomaar.

Walloow wasiir Oomaar uusan sheegin dalka uu kasoo jeedo ninkaan ajnebiga ah ee uu sheegay in ay qabteyn, hase ahaatee waxaa jira warar soo baxaya oo tibaxaya in ninkaani ajnebiga ah uu u dhashay dalka Ingiriiska.

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iy duulista Hawada ee Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomar) waxa kale oo uu sheegay in howlaha Garoonka ay sidoodii u socdaan, oo aynan jirin wax cabsi ah ama hakad ah oo soo galay howlaha  Garoonka Aadan Cadde.