Dowladda Soomaaliya ayaa maanta caasimada Muqdisho ku soo celisay 145 qof oo tahriibayaal ahaa, kuwaas oo tacadiyo loogu geystay dalka Liibiya.
Sidoo kale 37 ka mida dhallinyaradan ayaa laga dejiyay garoonka diyaaradaha magaalada Hargeysa, halka 108-da kale goor dhoweyd lagu soo dhoweeyay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho.
Dowladda Federaalka ayaa horay ugu guuleysatay dib usoo celinta tahriibayaal intooda badan lagu xiray Dalka Liibiya kuwaas oo qaarkood ay ka muuqdeen dhibaatooyinka ay ka dhaxleen ciqaabta ay ku mareen xabsiyadii lagu xiray.



