Madaxweynaha Imaaraadka Carabta , Maxamed Bin Zayed ayaa la sheegay booqashadii kadiska ahayd ee dabayaaqadii toddobaadkii hore uu ku tagay magaalada Qaahira ee xarunta Masar , inuu ka siday Mareykanka farriin kama dambeys ah oo loogu sheegayo inay Masar aqbasho dib u dejinta shan boqol oo kun illaa toddobo boqol oo kun oo Falastiiniyiin laga soo barakicinayo Qasa.
Haddii kale waxay Masar lumin doontaa taageerrada maaliyadeed ee dhammeystiran oo Mareykanka uu siiyo, sida ay daahqaaday warbaahinta fadhigeedu yahay Qatar ee Al-Arabi Al-Jadeed oo xiganaysa diblomaasiyiin Masaari ah.
Masar waa u kula doorasho adag inay lumiso lacagta ay ka hesho Mareykanka iyo inay oggolaadaan qorshaha barakicinta dadka Qasa oo u noqonaysa gudaha Qaahira oggolaansho hubaantii la’aan gelinaysa xasilloonida Masar, balse farriinta uu qaaday Madaxweynaha Imaaraadka Carabta ayaa soo bandhigaysa heerka cadaadiska ay la kulmayso Masar oo mowqif diidmo ah ka soo bandhigtay qorshaha barakicinta iyo kala aragti duwanaashaha Carabta ee qorshahan uu wato Trump oo ah hamiga muddada dheer ee Netanyahu..!



