DFS oo dalka dib ugu soo celisay 22 Dhalinyaro oo Tahriibayaal ah

Madax  ka tirsan DFS oo uu horkacayo  Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta garoonka Aadan Cadde kusoo dhoweeyay 22 dhallinyaro ah oo isugu jira 17 wiil iyo 5 gabdhood, kuwaas oo laga soo badbaadiyay xabsiyada Portsudan, gaar ahaan Dungula iyo Gadaarif ee dalka Suudaan.

Dhallinyaradaan oo xabsiyada dalkaas ku xirnaa muddo saddex bilood ah ayaa la qabtay iyagoo tahriib ah, dowladda Soomaaliya oo kaashaneysa hay’ado caalami ah ayaa ugu dambeyntii maanta dalkooda Hooyo dib ugu soo celisay dhalinyaradaan.