DFS oo abaabul dagaal ka wado deegaano ka tirsan Hirshabelle.

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga, Sheekh Abuukar, ayaa dardaaran adag u jeediyay ciidamo ka tirsan Gor Gor Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku sugan degmada Raage Ceelle ee gobolka Shabeellada Dhexe.

Afhayeenka ayaa si gaar ah ula kulmay saraakiisha iyo ciidamada Ururka 10-aad ee Guutada 18aad Kumaandooska Gor-Gor ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, wuxuna ciidamada ka dalbaday in ay qaadaan guluf dagaal oo ka dhan ah maleeshiyaadka Al-shabaab.

Waxaa uu sheegay in ay tahay xilligii lasoo afjari lahaa dagaalka Al-shabaab dalka laga sifeyn lahaa.

Guluf dagaal oo ka dhan ah maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa waxaa uu ka socdaa deegaano ka tirsan Hirshabelle.