Deni oo Magacaabay Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada Puntland

Madaxweynaha  Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 51 August 10, 2020 ku magacaabay Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada iyo Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Nugaal.

Madaxweynaha Maamulka Puntland

Markuu arkay: Dastuurka  Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Baahida loo qabo Dar-dar gelinta iyo xoojinta hawlaha Amniga.

Markuu arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo-aragnimadooda Ciidanimo.

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa G/sare Cabdiqaadir Jamac Dirir loo Magacaabay Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada Dowladda Puntland

2. Waxaa G/sare Maxamed Aadan Jaamac loo Magacaabay Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Nugaal.

*Xeerkani waxaa uu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

Taliyaha Cusub ee Ciidanka Madaxtooyada Puntland ayaa bedelay Taliyihii Ciidanka Madaxtooyada oo shalay ku dhintay howlgal ka dhacay Gaallacyo.