Deni oo ku baaqay in la joojiyo Dagaal beeleedka ka taagan Galbeedka Sool.

Madaxweynaha dowald goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa markale baaq ka soo saaray xiisadda colaadeed ee ka aloosan degaanno ka tirsan galbeedka gobolka Sool,  halkaasi oo ay isku horfadhiyaan ciidamada SSC-khaatumo iyo kuwa Somaliland.

 

“Dirirta jiidda hore ee gobolka Sool ka aloosan waan ka xumahay runtii in arrintaasi dhacdo, waxaan rajaynayay in ay dagaalladii intaasi ku ekaadaan. Haddii dadka degaanka ujeedkoodu ahaa in ay degaannadooda kala joogaan, wixii kale oo dagaal la huriyo waa dagaal runtii aan garawshiyo lahayn” ayuu yiri madaxweynaha Puntland.

 

Madaxweyne Deni ayaa ugu baaqay labada dhinac ee SSC-khaatumo iyo Somaliland in ay joojiyaan dagaalka oo ay ku beddelaan wada-hadal, waxaana uu sheegay in aysan marna kala guuri karin labada dhinac”Hala wada-hadlo oo ha la iau dheg-nuglaado waxaynu nahay dad Soomaaliyeed dagalkani ka guuri mayno. Weli lama sheegin dagaal siyaasadeed oo xoog lagu xalliya.”

 

Ciidamada Soomaaliland iyo kuwa SSC KHAATUMA ayaa dhowr jeer ku dagaalamay deegaano ka tirsan Galbeedka Gobolka Sool, kaasi oo dhibaato xooggan uu ka soo gaaray dadka shacab ah.