Mousa Dembele ayaa dib isaga weeraray Eden Hazard ka dib markii ciyaaryahanka khadka dhexe ee Chelsea uu wax lagu qoslo ku tilmaamay in xirfadiisa uu kusoo afjaro kooxda Tottenham.
Spurs oo ku badisaa Stamford Bridge caawa,haddii ay dhacdo waa markii ugu horeysay tan iyo 1990, waxaana ay kusii jiri doonan tartanka horyaalka iyadoo labada xiddig ee Hazard iyo Cesc Fabregas muujiyeen in ay leeyihiin awood ay ugu sahlaan Leicester City in loo caleemo saaro horyaalka.
Dembele,xiddiga caalami ah ee isku wadanka ay yihiin Hazard, ayaa su’aal aflagaada ah weydiyay ninka reer Belgium isagoo ku yiri waad ka masayr san tahay xaalada kooxda Tottenham.
Waxaad u ciyaartaa Chelsea oo difaaca ugu xun abid heysta xili ciyaareedkaan ayuu yiri Mousa Dembele.


