DEG DEG: Suudaan oo ku dhawaaqday wareejinta Cumar Xasan Al-bashiir

Millateriga xukuma waddanka Suudaan ayaa go’aansaday in madaxweynihii hore Cumar Xasan Al-Bashiir, loo dhiibo Garsoorayaasha maxkamadda Caalamiga ah denbiyada ee fadhigeedu yahay Heeg.

Madaxweynihii hore ayaa wajahaya dacwado la xiriira xasuuq, dembiyo dagaal iyo dambiyo ka dhan ah aadanaha, oo ku saabsan iskahorimaadkii ka qarxay gobolka Darfur ee dalka 2003.

Waxaa xukunka laga tuuray bishii Abriil 2019.

Wuxuu xukunka ku qabtay afgambi militari 1989 wuxuuna dalka ku xukumay xukun bir ah.