Deg Deg: Sacuudiga oo shaacisay in beri ay tahay Ramadaan

Sacuudi-RisaalaFM- War qoraal ah oo ka soo baxay dowladda Sacuudiga ayaa lagu sheegay in maalinta beri ah ay tahay maalin Ramadaan ah, maadaama la waayay Bilashada Bisha Shawaal.

Maxkamadda Sare ee dalka Sacuudiga ayaa ku dhawaaqday in beri la dhameystiri doono Bisha Ramadaan oo la geyn doono ilaa 30-ka.

Dowladda Sacuudiga ayaa sidoo kale sheegtay in maalinta Arbacada ah ay tahay 1-da Bisha Shawaal.

Dalalka Islaamka ayaa maqribnimadii maanta ku howlanaa fiirinta Bislahada Bisha Shawaal, inkastoo Sacuudiga ay sheegtay in beri ay tahay maalin Ramadaan ah.