DEG DEG:- Rasaas laga maqlayo Xabsiga Dhexe ee Magaalada Hargeysa

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Hargeysa ee Somaliland ayaa sheegaya in Rasaas xoogan laga maqlayo Gudaha Xavsiga Weyn ee Hargeysa,taas oo siweyn looga dareemay Magaalada.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya rasaasta ka dhaceysa Xabsiga Magaalada Hargeysa, waxaana wararka qaar ay sheegayaan inay tahay in Maxaabiista Xabsiga ku xiran qaarkood ay gadood sameeyeen.

Ciidamada Boolis ah oo aad u farabadna ayaa la dhigay waddooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa Xabsiga weyn ee Magaalada Hargeysa, kuwaas oo dadka iyo Gaadiidka u diidaya inay u dhawaadaan.

Wararka kusoo kordha kala socda www.radiorisaala.com