DEG DEG:- Qaraxyo laga maqlay Xeebta liido ee Muqdisho

Jugta qaraxyo xoogan iyo rasaas ayaa Caawa laga maqlay Aaga Xeebta liido ee Magaalada Muqdisho, halkaas oo la sheegay in Hotel kuyaalla la weeraray.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qaraxyada, waxaana wararka la helay ay sheegayaan in la weeraray Hotel lagu Magacaabo Pearl Beach, kaas oo horay loo aqoon jiray Ocean View.

Sidoo kale wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan qaraxyada kadib rag hubeysan ay gudaha u galeen Hotelka, waxaana goobjoogayaal ay sheegeen in rasaas xoogan la maqlayo.

Ciidamada Ammaanka doadda Soomaaliya ayaa xiray dhammaan waddooyinka gala xeebta liido, iyaga oo u diidaya inay Gaadiidka iyo Dadka galaan.

Wararka kusoo kordha kala socda www.Radiorisaala.com