Ciidamada dowladda oo la wareegay degaan katirsan Gobolka Galgaduud

Ciidamada xoogga dalka ayaa howlgal  qorsheysan ay sameeyeen waxaa ay kula wareegeen degaanka Cali-cameey  oo u dhaxeeyo degaanada kala ah Galcad iyo Cali-heela oo katirsan Gobolka Galgaduud, halkaas oo ay ku sugnaayeen Xubno katirsan Al-Shabaab.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in ka hor la wareegitaanka degaanka uu halkaasi dagaal xoogan ku dhexmaray Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Al-Shabaab.

Saraakiil katirsan Millateriga Soomaliya ayaa xaqiijiyay inay dagaal xoogan kadib Ciidamada huwanta la wareegeen gacanta ku haaynta degaanka Cali-cameey oo kamid ah meelaha aay Al-shabaab kasoo abaabuli jirtay weerarada xeryaha Ciidamada huwanta Gobolada Galgaduud iyo Shabellaha dhaxe.

Marka laga soo tago guulaha Ciidamada Dowladda ay dagaallada maanta ka sheegteen, weli macadda khasaaraha kala gaaray labada dhan  inkastoo Saraakiisha Xoogga dalka ay sheegeen inay shabaab ku jabiyeen dagaaladaas oo ay barbar socodeen duqeymo culus oo dhanka cirka  ah.