Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar maanta la sheegay in uu ka dhacay saldhiga magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud.
Dad goob joogayaal ah ayaa Idaacadda Risaala usheegay in gudaha saldhiga laga maqlayo Rasaas xoogan, inkastoo wararka qaar ay sheegayaan in Rasaasta ay udhaxeyso ciidamada maamulka Galmudug.
Ila iyo hada lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaasi
Maamulka Galmudug ayaanan weli ka hadllin dhacda maanta ka dhacday magaalada Cadaado.