Qarax ka dhacay Muqdisho

Muqdisho-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya Barxadda Iskool buluusiya ee magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay Qarax.

Qaraxan oo warar kala duwan ay ka soo baxayaan ayaa waxaa la sheegay in uu fuliyay nin xirnaa Jaakadda Qaraxa, kaasi oo isku qarxiyay Barxadda General Kaahiye.

Saraakiisha Ciidamada ammaanka weli faah faahin rasmi ah kama aysan bixin Qaraxan, waxaana qaraxa laga maqlay qaar ka tirsan xaafadaha ka akdhow halkaasi.

Qaraxan wuxuu ku soo beegmay Ciidamada Booliska oo u diyaar garobaya dabaaldagga 20 -ka December oo ku beegan Aas Aaska Ciidanka Boliska.