DEG DEG:- Qarax ka dhacay Magaalada Muqdisho

Qaraxaan oo jugtiisa laga maqlay qaar kamid ah degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa waxaa uu ka dhacay  bamaanka hore ee xerada tababarka Janeraal dhegabadan Ex Warshidii hore  ee Nacnqca ee degmada Wadajir.

Wararka la  helay ayaa sheegaya in qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa uu isku qarxiyay banaanka Xerada oo ay ku sugnaayeen Dhalinyaro loo qorayay Ciidanimo sibay tababar ugu qaataan Gudaha Xerada, balse xilli qeybta baaritaannada ay ku jireen la qarxiyay.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in qofka is qarxiyay uu iska dhigay dadka doonaya inay qortaan Ciidanimada, waxaana qaraxa dhimasho iyo dhaawac ku noqday qaar kamid ah Dhalinyarada goobta ku sugneyd.

Ciidamo ka tirsan dowladda ayaa gaaray halka uu qaraxa ka dhacay, iyaga oo gurmad u sameeynaya dadka ku dhaawacmay qaraxa, iyaga oo xiray wadooyinka gala Xerada Tababarka ee Janeraal dhagabadan.

Wararka kusoo kordha kala socda www.radiorisaala.com.