DEG DEG: Maxakamadda Ciidamada oo xukuno ku riday 3 qof

Maxkamadda Darajada 1-aad ee ciidamada Qalabka sida ayaa xukunno isugu jira dil iyo xabsi ku riday 3-qof oo loo heysto Qaraxii Suuqa Beerta ee degmada Waabari.

Gudoomiyaha Maxkamadda  Darajada 1-aad ee ciidamada Qalabka sida ayaa sheegay in dadkaani ay ka dambeeyeen Qaraxii ay dadka badani ku dhinteen ee ka dhacay degmada Waabari sanadkii 2016 dii.

Maxkamadda ayaa horay u dhageysatay eedeymaha loo haystay dadkaasi.

waxaana ku jira dadka xukunka lagu riday ninkii waday Gaarigii ku qarxay Suuqa Beerta ee degmada Waabari.