Dowladda Kenya ayaa ku Shaacisay in ay Guud ahaan ay hakisay mashruuc lagu dhisaayay safaaradeeda ay ku leedahay Magaalada Muqdisho , waxaana ay sabab uga dhigtay amni daro darteed.
Haweenayda Wasiirka arimaha dibadda ka ah Kenya oo Khudbad ka horjeedisay Baarlamaanka Kenya ayaa ku dhawaaqday in dhismaha Safaarada la billaabay August 2015-kii qorshuhuna ahaa in la soo gaba gabeeyo December 2016 sidaas darteedna loo hakiyay Amnidarada ka jirta Soomaaliya.
Aamina Maxamed Wasiirka arimaha dibadda Kenya ayaa sidoo kale xustay in shaqaalaha dowladda Kenya ee ku sugan Soomaaliya loo baqaayo amnigooda.
Waxa ay Aamina sheegtay in 35% dhismaha Safaaradda la dhameeyay waxaana ay sheegtay in dhaqaalaha ku baxaya in uu aad u badan yahay.
Sanadkii 2014 tii ayay ku dhawaaqday dowladda Kenya in ay dib u fureyso safaaraddeeda Soomaaliya.



