DEG DEG: Qarax gaari oo ka dhacay Muqdisho

Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya  wadada ka timaado degaanka Jazeera ee duleedka dhanka Koonfureed ee Magaalada Muqdisho, qarax gaari loo adeegsaday ayaa halkaasi ka dhacay.

Qaraxan ayaa wuxuu ka dhacay goob Koontarool ah oo ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda Federalka Somaliya, waxaana qarxay gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay.

Qaraxa ayaa ka dhacay meel u dhow Warshadii Hore ee Nacnaca ee degmada Wadajir.

Goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa ah Kontorool Ciidamada dowladda ay dadka ku baaraan.

Ilaa iyo hadda lama Oga khasaaraha ka dhashay Faahfaahin Goor dhow Filo.