DEG DEG: Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle oo la doortay

Jowhar-RisaalaFM- Waxaa goor dhow Magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeelaha Dhexe lagu doortay Madaxweyne ku xigeenka cusub ee Maamulka Hirshabeelle.

Xilka Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Hirshabeelle waxaa u tartamayay Musharaxiinta kala ah Cali C/laahi Xuseen (Guudlaawe) iyo Cali Xasan Hilowle (Cali Taakow).

Madaxweyne ku xigeenka cusub ee Maamulka Hirshabeelle ayaa loo doortay Cali C/laahi Xuseen (Cali Guudlaawe) oo helay 86 cod halka Cali Xasan Hilowle (Cali Taakow) oo la tartamayay uu helay 10 cod.

Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle ayaa intooda badan codkooda siiyay Madaxweyne ku xigeenka cusub ee Maamulka Hirshabeelle Cali C/laahi Xuseen (Cali Guudlaawe).

Madaxweyne ku xigeenka cusub ee Maamulka Hirshabeelle Cali C/laahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa loo dhaariyay xilkiisa cusub.