Deg Deg: Madaxweyne Gaas oo isugu yeeray xubnaha Gollaha Xukuumada ee Puntland

Boosaaso-RisaalaFM- Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa ku jira latashiyadii ugu dambeeyey ee ku saleysan isku shaandheyn deg deg ah oo lagu sameynayo xubnaha Gollaha Xukuumada ee Puntland.

Madaxweyne Gaas ayaa saacadihii ugu dambeeyey ku mashquulsanaa magacabida gollaha Wasiirada, iyadoo ay warar kala gedisan ka soo baxayaan isku shaandheynta Gollaha Xukuumada.

Warar dheeraad ah oo so baxaya ayaa sheegaya in wasiirada qaarkood loo kala bedelay wasaaraddaha oo kaliya, ayna tasi qeyb ka tahay shaqooyinka oo ay ku kala wanaagsan yihiin.

Horey Madaxweyne Gaas wuxuu u balan qaaday in wasiirkii la imaan waaya waxqabad,islamarkaana fulin waaya balanqaadkii Madaxweynaha ee horumarinta Puntland uu muteysan doono in shaqada laga qaado.