Kooxo hubeysan oo dil ka geystay Muqdisho

Sidda ay Risaala u xaqiijiyeen goobjoogayaal  ku sugan xaafada Suuqa Xoolaha ee degmada Hiliwaa  koox hubeysan ayaa halkaasi ku dilay nin ka mid ah dadka degaanka

Kooxaha hubeysan oo ahaa laba ruux  ayaa Marxuumka ka toogtay qeybaha sare ee jirkiisa, taasi oo sababtay in isla goobta uu ku geeriyoodo.

Ninka la dilay oo ilaa hadda aanan la garaneyn sababta loo beegsaday ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Maxamed Xasan Raage, wuxuuna u shaqeynayay mid ka mid ah shirkadaha ganacsiga dalka.

Dilalka qorsheysan ayaa maalmahan dambe ku kordhay magaalada Muqdisho iyo hareeraheeda, iyada oo inta badan aanan lagu guuleysan in la qabto Dableyda dilalka geysata.

Maanta Duhurkii ayay aheyd Markii dabley hubeysan ay wiil dhalinyaro ah ku dileen Xaafadda labo Dhagax ee degmada Wartanabadda.