Wararka naga soo gaaraya degmada Wadajir ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in tiro Madaafiic ah ay caawa ku dhaceen degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.
Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay idaacadda risaala ayaa sheegay in ay Maqleen ku dhawaad 4 Madfac oo kusoo dhacay qeybo ka mid ah degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.
Madaafiicda ayaa ku dhacday xaafadda Buulo Xuubeey gaar ahaan Agagaarka Iskuul Jabuuti sida uu idaacadda Risaala u sheegay mid ka mid ah dadka deegaanka.
Kudhawaad 6 qof ayaa ku dhawaacantay Madaafiicda ku dhacday xafaada Buulo xuubey.


