Ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa howgal waxa ay ka waddaan inta u dhaxeysa Isgoysyada Dabka iyo Shaqaalaha ee magaalada Muqdishoo ee caasimada Soomaaliya.
Gawaarida ciidanka AMISOM ayaa lasoo dhigay inta u dhaxeysa Isgoysada Dabka iyo sidoo kale Shaqaalaha .
Sidoo kale Gawaarida Ciidanka Nabad suggida Soomaaliya ayaa lasoo dhigay isgoysyadaasi, waxaana jidadka iyo sidoo kale Luuqyada taagan Ciidanka Nabadsuggida Soomaaliya.
Maalmihii lasoo dhaafay ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM waxa ay howgal qorshaysan ay ka fulinaayeen qeybo ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir.


