Shirka Madasha Wadatashiga Qaran oo Muqdisho ka furmaaya

War kasoo baxay hogaamiyeyaasha Madasha Wadatashiga Qaran ayaa looga hadlay qodobo badan oo ku saabsan xaalada Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

“Ma aqbali karno in si micno darro ah loo daadiyo dhiigga shacabka, waxaana colaadda ka socota Gaalkacyo ay wax u dhimeysa mas’uuliyadda aan qaranka u hayno oo ah inaan ka shaqeyno horumarkooda iyo bedqabkooda. Sidaa darteed waa in deg-deg maamullada ay colaaddan khuseyso ay la yimaadaan xal lagu soo afjarayo dagaalka socda’’, ayay si wadajir ah u yiraahdeen madaxda Madasha.

Madasha ayaa sidoo kale xustay in shirka uga furmaya magaalada Muqdisho maalinta Talaadada oo ku beegan 10-ka October, ajandaha ay ka hadli doonaan uu ka mid noqon doono dagaalka Gaalkacyo.

Waxaa ay sidoo kale sheegeen in ay ka hadli doonaan xaalada doorashooyinka dalka.